Dugsi Male Qabyaaladi Waxay Dumiso Mooyaane

Docda bari, dorooriga baddiyo, Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa, wabiga daaciisa
Degmadeena oo idil haddaan, dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon, deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigaye, waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dheguhu, uma daloolaane
Dadkaan la hadlayaa baan lahayn, dux iyo iimaane
Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray
Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy, dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahaooy, duunka ka heshiiso
Dadka kama yaraateene ways, dabar jaraysaaye
Dubba madaxa wayskala dhacdaa, daa’in abidkiise
Goortay is wada dooxatay baa, daad u soo geliye

Cabdillahi Suldan Timacadde

As Timacadde said almost a half a century ago “Bal inay dalfoof tahay caqliga, dooni laga saaray, Wixii hore usoo daashadaay, degashanaysaaye”. We do not seem to learn from our past mistakes and as result, we somalis are going backwards.

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.